Ciidanka Dowladda oo ku wajahan Degaanka Aboorey

0

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanya kuwa Macawisley ayaa ku wajahan Degaanka Aboorey oo qiyaas 20km u jira Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan, haalkaasi oo labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay maamalayeen Kooxda Al Shabaab.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta ay haatan dhaq dhaqaaq ka wadaan duleedka Degaanka, iyadoo laga cabsi qabo in halkaasi ay dagaal kula galaan Ururka Al Shabaab.

Degaanka Aboorey ayaa muddo labo todobaad ah waxaa ku dirirayay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Al Shabaab, inkastoo Ciidanka ay dib u soo gurteen kadib markii weerar lagu qaaday saldhiga ugu weyn ee Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh.Dhexe.

Ujeedka haatan culeyska loo saaray Degaanka Abooreey ayaa lagu sheegay si looga hortaggo in Al Shabaab ay dhaqaaqdo dhanka Mokoqori iyo Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Idaaacadda Shabelle in ay sii socon doonaan howlgalladan qorsheysan inta Kooxda Al Shabaab laga saarayo degaannada ay ka maamulaan Gobolka Hiiraan.

Howlgalladan ayaa la doonayaa in lagu hanto gacan ku heynta Degaanadda Aboorey iyo Yosooman si xaqiijinayo nabad-gelyada gobolka, laguna jabiyo awoodda kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, dadaallada Ciidanka Dowladda iyo kuwa Macawisley sare u qaaday cadaadiska Al Shabaab, inkastoo xaaladda ay weli tahay mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo dagaallo hor leh oo ka dhex qarxa mar kale labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here