Doolow, Jubaland – Sebtembar 8, 2025 – Ciidanka Daraawiishta Jubaland ee degmada Doolow oo kaashanaya booliska iyo dowladda Itoobiya ayaa maalintii labaad ka wada howlgal ballaaran oo amni xaqiijin ah waddooyinka isku xira degmooyinka Doolow, Luuq, Beled Xaawo iyo deegaannada hoos yimaada.
Howlgalkan oo ah mid qorshaysan ayaa lagu doonayaa in lagu hor istaago khataraha iyo falalka amni darro ee ay kooxda Al-Shabaab ku hayaan shacabka deegaanka.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay si gaar ah u xoojiyeen joogitaankooda meelaha muhiimka ah sida isgoysyada, baraha kontoroolka iyo goobaha ganacsiga.
Taliyaha booliska gobolka, Mahamuud Cabdi Hashi, iyo taliyaha amniga, Mohamed Xasan Buulle, ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedada howlgalku tahay “ka hortagga dhibaatooyinka amni darro iyo xaqiijinta nabadda shacabka.”
Waxay shacabka ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka oo dadaal badan ugu jira sugidda xasilloonida gobolka.
“Howlgalkan waa mid muhiim u ah badbaadada dadka deegaanka, waxaana rajeyneynaa in shacabka ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha amniga,” ayuu yiri Taliye Buulle.
Ciidamada Jubaland ayaa howlgalkan si wadajir ah u fulinaya iyaga oo kaashanaya ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gobolka, waxaana uu kusoo beegmayaa xilli uu taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland.
Dhinaca kale, xog ay heshay warbaahinta gudaha ayaa muujinaysa in ciidamo Masaari ah oo la filayo in dhawaan ay yimaadaan gudaha Soomaaliya lagu wadaa in la dejiyo qaybo ka mid ah gobolka Gedo, taas oo kusoo beegmeysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Itoobiya iyo Masar.
Ciidamada Jubaland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa oo ka dhasha deegaannada muhiimka ah ee gobolka.




