Ciidanka Maraykanka oo Duqeymo ka geystay Buuraha Calmiskaat

0

MOGADISHO, Soomaaliya [SMN] — Ciidanka Maraykanka ayaa fuliyey duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah Daacish (IS) ee ku sugan Buuraha Calmistaad, kadib codsi ka yimid dowlada federaalka, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iska caabinta kooxdaasi oo ku fidaysa gobolka Bari.

 

Howlgalka uu fuliyey Taliska Afrika ee Maraykanka (AFRICOM) ayaa bartilmaameedsaday “saldhigyada Daacish”, saqdii dhexe ee Talaadada. War-saxaafadeedka Militeriga Mareykanka ayaa lagu sheegaya in “dagaalyahanno badan oo Daacish ah” lagu dilay duqeymaha, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare rayid ah.

Inkastoo Daacish ay ka awood yar tahay Al-Shabaab, haddana waxay keentay walaac sii kordhaya oo ka yimaada khubaro amni, sababo la xiriira kororka hawlgallada kooxdaasi ee gudaha dalka. Duqeymaha socda ayaa ah kuwa looga hortagayo khatarta labada koox ku hayaan amniga dalka iyo danaha Mareykanka ee Geeska Afrika.

Bayaanka AFRICOM ayaa lagu yiri: “Kooxdan waxay muujisay khatar wayn oo ah inay weerar ku qaado Maraykanka iyo xulafadiisa,”

Mas’uuliyiinta Puntland ilaa hadda ma aysan kama hadlin duqeymahaasi u dambeeyay. Tan iyo bishii December 2024, ciidamada difaaca Puntland ayaa dagaal adag kula jira Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaat, halkaas oo kooxda lagu sheegay inay xoog ku sameysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here