Ciidanka NISA oo Gacanta ku Dhigay Shabakad ka Tirsanaa Al-Shabaab

0

MUQDISHO – Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu shaaciyay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen shabakad argagixiso oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, taas oo ka koobnayd shan (5) xubnood.

 

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada NISA, iyaga oo garab ka helaya shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii xubnahan lagu ogaaday inay maleegayeen falal khatar ku ah amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in ay si dhow ula socotay dhaq-dhaqaaqyada shabakaddan iyo qorshayaasha ay wadeen, kuwaas oo la xiriiray in ay si qarsoodi ah ku soo galaan magaalada Muqdisho si ay u fuliyaan falal argagixiso oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Intii uu socday howlgalkan, ciidamada NISA ayaa sidoo kale soo qabtay nuucyo kala duwan oo qaraxyo ah, hub, iyo gaadiid, kuwaas oo la qorsheynayay in loo adeegsado falalka argagixiso.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in xubnaha la soo qabtay loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda, si loo marsiiyo sharciga dalka.

Ugu dambayn, Hay’adda NISA ayaa uga mahadcelisay muwaadiniinta Soomaaliyeed wada-shaqeynta joogtada ah iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada amniga, kuwaas oo mar walba u taagan difaaca shacabka iyo sugidda amniga qaranka.

May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here