Muqdisho: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday goobo ay gabbaad ka dhiganayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalka waxaa lagu dilay toddobo dhagarqabe, waxaana lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo teendhooyin ay cadowgu ku dhuumaaleysanayeen.
Howlgalka, oo dhacay seddax mar oo kala duwan isla xalay, ayaa kan koowaad lagu beegsaday teendho ay maleeshiyaad ku jireen, taas oo sababtay dhimashada saddex xubnood oo Al-Shabaab ah.
Howlgalka labaad, oo daqiiqado uun ka dambeeyay, ayaa lagu soo afjaray nolosha afar dhagarqabe oo kale, ugu dambeyntiina, beegsiga saddexaad lagu gubay gaadiid dagaal oo ay Al-Shabaab halkaas ku diyaariyeen si ay ugu qaadaan maleeshiyaadka ay abaabulayeen.
Ciidanka Hay’adda NISA ayaa qaaday hawlgalkaan kaddib markii la sugay xog sirdoon oo muujinaysay dhaqdhaqaaqyo ay maleeshiyaad Al-Shabaab ah, oo watay gaadiid dagaal, ka sameynayeen deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas. Xogta oo loo beddelay howlgal ayaa suurtagalisay in halkaas lagu soo afjaro Al-Shabaabtii abaabulka wadday.





