Ciidanka Puntlad oo gacanta kusoo dhigtay nin dil ka gaystay Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso ayaa maanta gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.

 

Booliska Puntland oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in soo qabashada ninkan ay kala gaashadeen odayaasha deegaanka, waxayna tilmaameen in la horgeyn doono maxkamad.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.

Eedaysanaha ayaa gacanta lagusoodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri.

Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa.

Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

– DHAMMAAD –

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here