Muqdisho, Soomaaliya – Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo iskaashi la sameeyay Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa habeenkii xalay fuliyay howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubada Dhexe.
Howlgalka oo lagu fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca Bayraktar TB2, kuwaas oo si rasmi ah dhowaan uga howlgalay qeybta cirka ee ciidanka xoogga dalka, ayaa lagu beegsaday goobo lagu kaydin jiray hubka iyo xarumo tababar oo muhiim u ahaa ururka Al-Shabaab.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka, gantaalo culus ayaa lagu garaacay xarun kayd hub ah oo weyn oo ku taallay duleedka magaalada Jilib, taasoo gabi ahaanba burburtay kaddib markii ay qabsatay dab xoog leh. Xarumo kale oo ku yaallay Sablaale iyo Kunya-Barow oo iyaguna la sheegay in ay ahaayeen xarumo tababar iyo abaabul dagaal ayaa sidoo kale burburiyay.
Intaa waxaa dheer, goob tababar oo ay ku sugnaayeen in ka badan 300 dagaalyahan, oo ay ku jireen saraakiil ajaaniib ah, macallimiin iyo madax Afrikaan ah, ayaa la bartilmaameedsaday, waxaana la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 29 sarkaal, intooda badanna ay ahaayeen ajaaniib.
“Howlgalkaan waa mid si xirfadeysan loo fuliyay, waana mid dhabar-jab weyn ku ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan sirdoonka oo aan magaciisa loo oggolaan in la shaaciyo sababo amni dartood.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jireen warar sheegaya in Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaano ku yaalla Shabeellaha Hoose oo ay horey u hayeen ciidanka dowladda, kaddib markii ay ka baxeen sababo la xiriira is-beddello istiraatiiji ah.
Weerarkan cusub ayaa lagu tilmaamay mid lagu jarayo silsiladaha abaabulka Al-Shabaab, isla markaana lagu carqaladeynayo isku xirka ay u sameysteen gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed.
Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii ciidanka dowladda ay weerar culus ku qaadeen xarumo Al-Shabaab ku lahaa gudaha Jilib, taasoo keentay khasaare weyn oo nafeed iyo mid hantiyadeedba.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in howlgallada noocan ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo in gebi ahaanba laga sifeeyo kooxaha argagixisada ah ee caqabad ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka.




