Ciidanka Xoogga Dalka oo Afar Ka Tirsan Al-Shabaab Ku Dilay Howlgal Ka Dhacay Galguduud

0

Nooleye, Galguduud – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Nooleye ee gobolka Galguduud, halkaas oo ay ku dileen afar ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay ciidanka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka si gaar ah loogu beegsaday fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas.

“Qiimeynta hordhaca ah waxay muujineysaa in ugu yaraan afar dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalka,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay CXDS.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo militari oo xooggan oo ka socda deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle, xilli dhawaan Al-Shabaab weerar culus ku qaadday degmada Ceel-Dheer ee gobolka Galguduud, halkaas oo labada dhinac ay khasaarooyin kala duwan kasoo gaareen.

Saraakiisha militariga ayaa sheegay in howlgalka Nooleye uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee gudaha iyo dibedda loogu jiro ciribtirka kooxda Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xiriirka la leh ISIS, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Kooxda Al-Shabaab oo muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya, ayaa si joogto ah u beegsata ciidamada ammaanka, mas’uuliyiinta dowladda, iyo shacabka rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here