MUQDISHO – Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in howlgal gaar ah oo Axaddii ka dhacay gobolka Bakool lagu dilay hogaamiyihii maaliyadda ee kooxda Al-Shabaab, Cabdullaahi Abukar Cali.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi Abukar Cali lagu dilay duleedka magaalada Xudur, isagoo mas’uul ka ahaa uruurinta lacagaha baadda ah ee laga qaado shacabka iyo isku-dubaridka qorista carruurta la askareeyo.
“Cabdullaahi Abukar wuxuu ahaa shaqsi muhiim ah oo muddo dheer ka howlgalayay gobolka Bakool, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha sida gaarka ah loo bartilmaameedsanayo ee kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasaaradda ayaa ku amaantay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed guusha howlgalkaas, iyadoo sheegtay in dilka hogaamiyahan uu yahay dhirbaaxo culus oo lagu dhuftay shabakadda hawlgalka ee Al-Shabaab ee gobolkaasi.
Howlgalkan ayaa yimid maalmo kadib markii ciidammada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dib ula wareegeen degmada istiraatiijiga ah ee Bariire, oo ay Al-Shabaab u adeegsan jireen weerarrada ay ka fuliyaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo magaalada Muqdisho.
Isha: Xinhua




