Ciidanka Xoogga Dalka oo dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab

0

Xudur – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in saaka abaare 7:00 subaxnimo ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Warta Eey Duure, oo qiyaastii 30km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool, kaas oo lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

 

Hoggaamiyahan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Abuukar Cali, ayaa ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ee Al-Shabaab ee gobolka, isagoo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Bakool.

Waqtigaan la dilay, Cabdullaahi Abuukar Cali waxa uu kooxda Al-Shabaab u ahaa madaxa maaliyadda ee gobolka, sidoo kalena waxa uu ahaa mas’uulka askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu biiriyo kooxda.

Taliska CXDS ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday, laguna burburiyay shabakad Al-Shabaab ah oo si qarsoodi ah uga howlgeli jirtay deegaankaas.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli wada howlgalka ciribtirka Al-Shabaab ee ka socda gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka, iyagoo beegsanaya hoggaamiyeyaasha iyo saldhigyada kooxda si loo dardargeliyo xasilloonida iyo amniga guud ee dalka.

May be an image of text

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here