Ceeldheer, Galgaduud – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaannada hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday ayaa ka dhacay dhulka Howdka ah ee u dhow degmada Ceeldheer, halkaas oo ciidanku wali ku sii daba joogaan haraadiga kooxda Khawaarijta ee lagu jebiyay dagaalkii dhawaan halkaas ka dhacay.
Saddexda xubnood ee la qabtay ayaa la sheegay inay firxad ahaayeen islamarkaana ay isku dayayeen inay ku dhuuntaan dadka shacabka ah ee ku nool dhulka miyiga ah, balse waxaa si xeeladeysan u gacan ku dhigay Ciidanka Xoogga Dalka oo sii xoojinaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa laga cirib tiro haraadiga Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada gobolka Galgaduud.
Wararku waxay intaa ku darayaan in laamaha amniga ay wadaan baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan xiriirka xubnaha la qabtay iyo howlgalada kooxda ay ka tirsan yihiin.
Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka deegaanka sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka, iyagoo sidoo kale ugu baaqay inay sii laba jibbaaraan garab istaagga dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.



