Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Ka Dhan ah Al-Shabaab Ka Fuliyay Shabeellaha Dhexe

0

Soomaaliya, Shabeellaha Dhexe – Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor iyo Kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan tuulooyin dhaca dhanka deegaanka Xaaji Cali.

 

Howlgalkan oo ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga ayaa ciidamada waxay baaritaanno iyo hubin ka sameeyeen deegaannada la beegsaday, iyadoo ujeeddadu ahayd in laga sifeynayo xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab ee ku dhuumaaleysan kara tuulooyinka ku yaalla halkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay baaritaanno ku sameeyeen tuulooyinka howlgalka laga fuliyay si looga hortago in Al-Shabaab ay dhibaato u geystaan shacabka ku nool deegaannadaas. Sidoo kale ciidamada ayaa halkaasi ka sameystay saldhigyo ay ku xoojinayaan amniga.

Howlgalkan waxaa hoggaaminayay Cabdiwali Januune, Taliyaha Ururka 184-aad ee Guutada 18-aad ee Commandos Gorgor, iyo Maxamed Cabdulqadir Diiriy, Taliyaha Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab.

Howlgallada noocan oo kale ah ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku xoojinayaan amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab ee ka howlgasha qeybo ka mid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here