Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Ka Fuliye Deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan

0

HIIRAAN – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Jimcihii fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Aboorey, gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

 

Taliyaha Ururka 8-aad, Guutada 18-aad, qeybta koowaad ee kumaandooska Gorgor, Dhamme Naqiib Cabdullaahi Xersi, oo hoggaaminayay howlgalka, ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu khaarajiyay horjoogayaal ku howlanaa farsameynta qaraxyada, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed u dhibaateyn jiray.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Xoogga Dalka uu ku sugayo ammaanka shacabka, isla markaana lagu beegsado xubnaha argagixisada ee khatarta ku haya amniga guud ee dalka.
May be an image of one or more people and textMay be an image of rhinoceros

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here