Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Gedo

0

Bardheere, Gedo – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa fuliyay howlgal amni oo si taxaddar leh loo qorsheeyay, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-Cilaan, oo qiyaastii 30 kiiloomitir dhanka bari kaga beegan degmada Bardheere ee gobolka Gedo.

 

Howlgalkan oo ahaa mid si guul leh u hirgalay, ayaa ciidamada ku dileen shan (5) xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay dhibaatooyin joogto ah ku hayay shacabka rayidka ah ee ku nool deegaankaasi iyo nawaaxigiisa.

Intii uu howlgalka socday, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale gebi ahaanba burburiyay fariisimo iyo fadhiyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cilaan. Fariisimadaasi ayaa la sheegay in ay ahaayeen goobo ay kooxdu ka abaabuli jirtay falal amni-darro, isla markaana ay khatar ku ahaayeen isu-socodka iyo nolosha dadka deegaanka.

May be an image of text that says "WAR-SAXAAFADEED| Janaayo, 2026: Ciidamada ooAAa howlgal deegaanka qiyaastii dhanka bari kaga beegan degmado Baardheere gobolka Gedo. aγαα lagu beegsaday dhagarqabayaal κα tirsan khawaarijtc argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato joogto ah ku hayay shacabka deegaanka. Intii UU howlgalka socday, waxaa lagu dilay shan dhagarqabe, halka sidoo kale gebi ahaanba burburiyay fariisimihii halkaas lahaayeen. Howlgalkan aγαα qayb ka ah dadaallada joogtada ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga, kuna ciribtirayaan khatarta badbaadiyo nolosha iyo hantida shacabka. ka dhanka ilaa laga dalka. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka waxay howlgallada kooxaha argagixisada ay sii socon doonaan nabad xasillooni waarta guud ahaan"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here