Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo Ka Fuliyey Bariga Gobolka Hiiraan, Al-Shabaab Lagu Sabaabiyey Degaanno

0

Hiiraan, Soomaaliya — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaano ka tirsan bariga Gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagaga saaray maleeshiyada Al-shabaab si loo xaqiijiyo amniga guud ee shacabka reer Hiiraan.

 

War kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku ciribtirayaan kooxda Al-shabaab, looguna xoreynayo deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Taliyaha Qaybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, Gaashaanle Dhexe Cali Cagay, ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid ka mid ah hawlgallada “Heeryada Cadowga” oo looga dulqaadayo shacabka Soomaaliyeed dhibaatoyinka ay ka sheeganayeen kooxda Al-shabaab.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uu si buuxda uga go’an yahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ilaa laga ciribtirayo guud ahaan dalka,” ayuu yiri Taliyuhu.

Howlgalladan ayaa imaanaya iyada oo la xoojiyey dadaallada nabad-sugidda ee dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga, si loo abuuro deegaan ammaan ah oo shacabka ay ku noolaadaan lana horumariyo.

May be an image of UluruMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here