Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo Qorsheysan ku Fulinaya Gobollo Ka Tirsan Koonfurta Soomaaliya

0

MUQDISHO – Ciidanka Xoogga Dalka, oo ay garab siinayaan saaxiibada caalamiga ah, ayaa kordhiyay howlgalka milatari ee ka socda koonfurta Soomaaliya, iyagoo guulo ka gaaray howlgallo militari oo ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo gobollo kale.

 

Ciidamada ayaa si buuxda ula wareegay deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo, kuwaas oo muddooyinkii dambe hoos tagi jiray gacanta kooxaha hubeysan.

Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadani ay qayb ka tahay qorshaha ballaaran ee lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo maamulka dalka.

Dhinaca kale, duqeymo cirka ah oo lala beegsaday saldhigyo ku yaalla Jilib, Mubaarak, Ugunji iyo Kunya-Barrow ayaa lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda, oo uu ku jiro Mohamed Osman Mohamed (Tuutax), kaas oo la tilmaamay inuu door muhiim ah ka ciyaarayay dhinacyada amniga iyo farsamada militari ee kooxda.

Mas’uuliyiin dowladeed ayaa sheegay in howlgaladan ay si weyn u wiiqeen awoodda kooxda, ayna muujinayaan sida ay uga go’an tahay in dalka laga suuliyo kooxaha aan u hoggaansanayn nidaamka dowladnimo.

Howlgalladan ayaa imanaya xilli ay soconayaan dadaallo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo nabadda, isla markaana lagu furo marinno cusub oo u suurtagelinaya shacabka in ay helaan adeegyo dowladeed iyo nolol deggan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here