Muqdisho – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo abaabulay kulan afur ah oo lagu xusay shuhadadii ku dhintay dagaalka Al-Shabaab, kuwaas oo naftooda ku waayey difaaca dalka, diinta, iyo dadka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga, saraakiil ciidan oo uu ugu horeeyo Taliyaha Xoogga Dalka, iyo masuuliyiin kale oo heer qaran ah.
Intii lagu guda jiray kulanka, wasiirrada iyo saraakiisha ka hadlay ayaa bogaadiyey halganka iyo naf-hurnimada ay muujinayaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee dagaalka adag kula jira Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa loogu duceeyey ciidamadii ku shahiiday dagaalka, iyagoo lagu xusay in geeridooda ay tahay mid sharaf leh oo difaacaysa dalka iyo shacabka.
Kulankan ayaa sidoo kale lagu xusay guulaha la gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la bogaadinayo dadaalka joogtada ah ee ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay ku bixiyaan sugidda amniga dalka.





