Ciidanka Xoogga Dalka oo miinooyin ka saaray wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

0

MUQDISHO, 2 Sebteembar, 2025 – Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), gaar ahaan Guutooyinka 19-aad iyo 25-aad, ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Federaalka.

 

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday abaabul militari oo kooxda Al-Shabaab ay ka wadeen qeybo kamid ah gobolka, iyadoo ciidamadu ay si gaar ah uga hortageen khataraha amni ee laga yaabo inay saameeyaan dadka rayidka ah.

“Guutooyinka 19-aad iyo 25-aad ee xoogga dalka ayaa guul ka gaaray howlgalka, iyagoo soo saaray miinooyin halis ah oo Khawaarijtu ku aaseen wadooyinka ay shacabka isticmaalaan, si loogu waxyeelleeyo dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Miinooyinka ayaa laga saaray wadooyin muhiim ah oo isku xira deegaano istiraatiiji ah, kuwaas oo ay si joogto ah u isticmaalaan dadka deegaanka, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Dowladdu ma aysan faahfaahin deegaanada saxda ah ee ay ka dhaceen howlgalka, mana jirto wax war ah oo laga helay khasaare ka dhashay hawlgalladaas.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa xusay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga shacabka ku nool gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo Al-Shabaab wali ay ku sugan yihiin qaybo kamid ah gobolka, inkasta oo ay waayeen dhul badan oo ay horay u maamuli jireen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan adeegsata miinooyin iyo qaraxyo si ay u beegsadaan ciidamada iyo shacabka, taas oo sababtay khasaare badan sanadihii u dambeeyay.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ballan qaaday in howlgalada ay sii socon doonaan ilaa laga suuliyo khatarta kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here