Muqdisho — Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa UPDF, ayaa ka saaray xubno ka mid ahaa kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaanada Mubaarak iyo Daaru Salaam ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in hawlgalkan, oo qayb ka ah howlgalada Bedar, uu shacabka ku dhaqan deegaannadan looga dulqaaday heeryo cadow oo muddo saarnayd.
Intii uu socday hawlgalka, waxaa lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku howlanaa dhibaataynta shacabka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka go’an ciribtirka kooxda Al-Shabaab ee khatarta ku ah amniga shacabka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni la isku halleyn karo.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale adkeynaya in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii wadi doonaan ilaa laga xaqiijiyo amniga, xasiloonida, iyo nabadda guud ahaan dalka.




