Ceel-boon, Bakool – Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa xalay saqdhexe fuliyay howlgal qorsheysan oo si xeeladaysan looga sameeyay inta u dhaxaysa deegaanada Ceel-boon iyo Buurdhuxunle ee gobolka Bakool.
Howlgalkan ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana lagu dilay horjooge sare oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macalin Xasan, oo afgarashadooda ay ku magacaabi jireen “Magaalabeen”.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo gacan ka helaya Daraawiishta Koonfur Galbeed (KG), ayaa maalmihii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada Baay iyo Bakool.
Sidoo kale, wararka laga helayo degmada Naydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada ammaanka, taas oo loo arko guul weyn oo ka timid cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo kooxda Khawaarijta ah.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan shaaciyay inay dardar gelinayaan qorshaha xoreynta deegaanada ay wali ku sugan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay wadaan dedaallo lagu doonayo in lagu jebiyo go’doominta kooxdaas ay saareen deegaano badan oo muhiim ah oo ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool.
Ciidamada qalabka sida ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgalka ilaa laga cirib tiro kooxaha nabad diidka ah ee caadeystay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.




