Ciidanka Xoogga oo Miino ka Soo Saaray Waddo ku taalla Shabeellaha Hoose

0

SHABEELLAHA HOOOSE — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen deegaanada u dhaxaysa Lambar Konton iyo Muuri ee gobolka Shabeellaha Hoose ka soo saaray, iyagoo ka hortagay weerar loogu talagalay in lagu gumaado shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddadaas muhiimka ah.

 

Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide, ayaa sheegay in howlgal miino-baaris ah oo ay fuliyeen ciidamada uu ku guuleystay in si nabad ah oo aan wax dhibaato ah u geysan miinooyinkaas looga saaro waddada.

“Waxaan ku faraxsanahay in ciidanka geesiyaasha ah ay ka hortageen dhagar ay Khawaarijta dhiig-miiratada ah u diyaariyeen inay ku waxyeelleeyaan shacabka iyo gaadiidka,” ayuu yiri taliyaha.

Waddadan ayaa ah mid muhiim ah oo inta badan ay isticmaalaan gaadiidka isu kala goosha gobollada dalka iyo magaalada Muqdisho, taasoo ka dhigeysa tallaabadan mid muhiim u ah amniga iyo isku socodka shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here