BAGDAD — Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si xooggan uga soo horjeestay go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga waxa ay ugu yeertay “Dhulka Soomaaliland,” iyadoo tallaabadan ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ciraaq ayaa sheegtay in, maadaama Ciraaq ay hadda hoggaaminayso Jaamacadda Carabta, arrintani ay wiiqeyso amniga iyo xasilloonida gobolka, sidoo kalena khatar ku tahay xasilloonida Geeska Afrika.
Ciraaq ayaa mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dalalka, waxayna ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah inay qaataan mowqif cad oo ka dhan ah tallaabooyinka sharci-darrada ah, si loo ilaaliyo sharcinimada caalamiga ah.




