Cirro oo sheegay inay Somaliland dhamaystirayso heshiiska badda ay la gashay Itoobiya

0

DUBAI (SMN) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo waftigii uu hogaaminaayey ayaa ka qeyb galay Shir-weynaha Dawladaha Adduunka ee sanadka 2025, oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

 

Madaxweynaha ayaa shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 6,000 oo qof ka jeediyey khudbad dheer, su’aalo badana kaga jawaabey.

Cirro ayaa sheegay in kahor inta uusan dhamaan sanadkan uu soo gabagabeyn doono heshiiska badda iyo ganacsiga ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaasoo xiisad xoogan ka abuurey gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Cirro wuxuu xusay in dekadda Berbera ay tahay mid kamid ah kuwa ugu muhiim gobolka, iyadoo shirkadda DP world ku maalgelisay 400 oo milyan oo dollar, taasoo isbedel wayn ku samaysay dekada.

Cirro ayaa rajo wayn ka muujiyay inay dekada Berbera u adeegi doonto 140 milyan qof oo ku nool dalka Itoobiya, oo hadda wax kasoo degsada dekadaha dalka Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here