HARGEYSA (SMN) – Musharraxa xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay jabka shalay ciidamadooda ka soo gaaray dagaalkii ay la galeen ciidamada SSC-Khaatuma.
Cirro ayaa marka hore tacsi u diray askarta ka geeriyootay Somaliland, isaga oo kuwa dhaawac ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta maxaabiista u gacan gashay SSC, isaga oo dalbaday in loola dhaqmo, si wanaagsan oo ay ka muuqato walaalnimo.
Musharraxa xisbiga Wadani oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland inay ilaashadaan qarankooda, ayna dagaalka ku garab istaagaan ciidamada ammaanka.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo shalay ciidamada Somaliland lagu jabiyay dagaalka Laascaanood, kadib markii ay SSC ka qabsatay xerarada Goojacadde oo 15 sano daganaayeen milatariga Somaliland, waxaana dagaalkaas looga dilay askar badan, halka nolosha lagu qabtay kuwa oo kale oo uu jiro sarkaal lagu soo bandhigay Laascaanood.
Xaaladda ayaa saaka ah mid kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa bariga xarunta gobolka Sool ee Laascanaood.