Colaadda ka taagan gobollada dhexe oo gaartay meeshii ugu xumayd

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Gobollada Dhexe ee dalka waxaa ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay colaadda kusii baaheysa Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, taas oo sababtay in ammaanka uu faraha kasii baxo.

 

Beegsiga beelaha iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ayaa kusii badanaya deegaanada Galmudug, kuwaas oo uga sii daray xaaladda gobollada dhexe oo ay sidoo kale ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dilalkii ugu dambeeyay ayaa ka kala dhacay waqooyiga Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, waxaana midkood loo gaystay wiil yar oo 12 jir ahaa oo loo dilay aano qabiil dartiid.

Kahor inta aan la dilin wiilka yar waa la afduubtay, kadibna waa la jarjaray, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Horay waxaa sidoo kale aagga Galdogob isna si arxan darro ah loogu dilay nin dhimirka ka xanuunsan oo muuqaal ay ka duubeen koox haween ah, kadibna dilay.

Dhammaan dhacdooyinkan argagaxa leh ayaa cabsi ku beeray dadka deegaanka, waxaana gebi ahaan galay isku socodka gaadiidka, maadaama ay kordheen weerarada iyo dilalka ka dhacaya halkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto colaaddan oo muddo dheer soo taagnayd, waxaana dhowr jeer burburay heshiisyo la kala dhex dhigay beelaha haatan isku haya gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here