Kivu,Congo – Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa sheegay inay soo rideen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo la sheegay inay leeyihiin ciidanka Ciidanka Difaaca Rwanda iyo xulafadooda, kadib markii ay si sharci darro ah u galeen hawada Congo ee bariga dalka.
Bayaan ay ciidamada Congo ku daabaceen barta X ayaa lagu sheegay in drones-ka lagu soo riday deegaanka Mikenge, kadib markii ay ku xadgudbeen hawada Congo ee aagga Minembwe oo ka tirsan gobolka Koonfurta Kivu.
Ciidanku waxay falkaas ku tilmaantay gardarro iyo kicin cusub oo ka dhan ah madaxbannaanida dalka, iyadoo sheegtay in dhacdadani sidoo kale jebineyso heshiiska lagu gaaray Washington ee u dhexeeya Congo iyo Rwanda. Ciidamada Congo ayaa intaas ku daray inay weli feejigan yihiin isla markaana diyaar u yihiin difaaca dhulka iyo madaxbannaanida dalka,Dowladda Rwanda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeynta kasoo baxday Congo.
Xiisaddan ayaa imaanaysa xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada ka socda bariga Congo, halkaas oo kooxda fallaagada ah ee (M23) ay horumar ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka South Kivu. Kooxda M23 ayaa gacanta ku haysa dhul ballaaran oo ay ku jiraan magaalooyinka muhiimka ah ee Goma iyo Bukavu, kuwaas oo ay qabsadeen horraantii sanadkan 2025.
Dowladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa muddo dheer ku eedeynayay Rwanda inay taageero siiso kooxda M23 ee ka dagaallanta bariga dalka, inkastoo Kigali ay marar badan si cad u beenisay eedeymahaas.
Dhanka kale, Maraykanka ayaa 2-dii Maarso ku soo rogtay cunaqabateyn ka dhan ah ciidanka Rwanda iyo afar sarkaal oo sare, iyadoo ku eedeysay inay taageero siiyaan kooxda M23. Dowladda Rwanda ayaa ka falcelisay tallaabadaas iyadoo sheegtay inay ka xun tahay cunaqabateynta, islamarkaana ku tilmaantay mid hal dhinac ah, iyadoo difaacday doorka ciidamadeeda.
Dhacdadan ugu dambeysay ayaa muujinaysa sida ay u sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya DR Congo iyo Rwanda, xilli ay weli sii socdaan dagaallada iyo muranka ka taagan bariga dalkaasi Congo.




