Culimada Soomaaliyeed oo Booqday Bakhaarrada Gargaarka SoDMA, Baaq Adagna U Diray Bulshada iyo Beesha Caalamka

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Midowga Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aaden Abuukar Cismaan (Suufi Yare), oo ay wehliyeen xubno ka tirsan golaha, ayaa booqasho ku tagay bakhaarka keydka gargaarka ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), halkaas oo uu ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Hay’adda, Maxamuud Macallin Cabdulle.

 

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd dadaal lagu muujinayo heerka culus ee hoos u dhaca ku yimid deeqihii dibadda kaga imaan jiray Soomaaliya, gaar ahaan xilli dalka uu wajahayo abaartii ugu darneyd sanadihii ugu dambeeyay, taas oo sababtay in bakhaarradii gargaarka ay maanta maran yihiin.

Culimada ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata, qurbajoogta, ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah in ay si degdeg ah uga qayb qaataan gurmad wadajir ah oo lagu samata-bixinayo kumannaan qof oo xaalad adag ku sugan. Waxay sheegeen in waqtigani yahay mid u baahan isu-taag qaran iyo ka jawaabidda baaqyada gurmadka ee dalka ka imaanaya.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa culimada uga mahadceliyay booqashada iyo doorka ay ka qaadanayaan wacyigelinta, isagoo xusay in taageerada culimada ay tahay mid muhiim u ah sidii looga hortagi lahaa macluusha kusii fidaysa qaybo badan oo dalka ka mid ah. Waxa uu ku boorriyay inay sii xoojiyaan dedaallada ay ugu adeegayaan dadka nugul ee u baahan gargaar degdeg ah.

May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and headscarfMay be an image of one or more people and headscarfMay be an image of one or more people and headscarf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here