Daacish oo sheegatay Weerar lagu Dilay 47 Askari oo ka tirsan Ciidanka Puntland

0

BOSASO — Kooxda ISIS ee Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda saddex weerar oo ka dhan ah Ciidanka Puntland (PSF) oo dhex maray 16-ka July ilaa 22-ka August, kuwaas oo ku dilay 47 askari, sida ay ku sheegeen bayaan ay kooxda soo saartay.

 

Weerarada ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla Puntland, gobolka waqooyi-bari Soomaaliya.

Tani ayaa ku soo beegmaysa xilli Puntland ay sheegtay in ciidamada ammaankeeda ay gaareen horumar la taaban karo oo ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Ciidanka Puntland ee mas’uulka ka ah ammaanka gobolka Bari ayaa weli ku guda jira howlgallo ka dhan ah kooxaha ISIS iyo Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta Puntland ilaa hadda si madax bannaan ugama xaqiijin tirada dhimashada ee ay sheegtay kooxda ISIS.

Gobolka ayaa wajahaya koror ku yimid hawlgallada kooxaha argagixisada, iyadoo ciidamada amniga ay xoogga saareen sugidda goobaha istiraatiijiga ah, gaar ahaan Buuraha Cal-Miskaad oo ay howlgalladu si weyn uga socdaan.

Weeraradani waxay muujinayaan caqabadaha amni ee weli ka jira Puntland, inkastoo gobolkaasi uu yahay mid ka mid ah meelaha ugu xasilloon Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here