Daacishta Soomaaliya oo Dahab ay ka heshay Soomaaliya dibadda u dhoofisay

0

MUQDISHO (SMN) – Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in saameynta iyo khatarta Daacishta Soomaaliya sii kordhaysay Saddexdii sano ee la soo dhaafay, iyadoo Kooxda oo ku fidaysa Africa ay heshay dhaqaale aad u badan oo intiisa badan kasoo galay canshuurta ay ka qaado ganacsiga magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

 

Warbixin ay soo saartey Hay’adaha xasaradaha Caalamka ee ICG ayaa lagu sheegay in Daacishta Soomaaliya ay yeelanayso awood dhaqaale, iyadoo tan iyo 2022 soo gashay 6 million oo dollar. Lacagtan waxaa ku jirta mid ay Kooxda ka sameysay dahab laga qodey buuralayda gobolka Bari oo dibadda loo dhoofiyay.

Waxay warbixinta ICG intaas ku dartay in Daacishta Soomaaliya lacag u dirto kooxaha kale oo ururka kamid ah oo ka dagaalamka meel ka baxsan Soomaaliya, sida Mozambique iyo Koongo, taasoo dowlada Mareykanka ku tilmaantay khatar wayn oo ka dhan ah amniga bariga Africa.

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Daacish Soomaaliya ay u dhaqmayso sida mid ka mid ah ururada ugu muhiimsan ee caalamiga ah ee Daacish, iyadoo door muhiim ah ka qaadanaysa maalgelinta howlgallada Daacish ee Afrika iyo Aasiya.

Tani waxay sare u qaaday suurtagalnimada in Daacishta Soomaaliya ay marayso wadadii Daacishta caalamka, oo looga adkaaday dagaalladii Suuriya iyo Iraq kasoo ifbaxday 2014. Mareykanka ayaa duqeyn kula eegtay hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya C/qaadir Muumin bishii May ee sanadkan buuraha Calmiskat ee gobolka Bari, laakiin lama xaqiijin inuu ku dhintay ama ka badbaaday.

Muumin oo dhawaan la sheegay inuu noqday hogaamiyaha ugu sareeya Daacish ayaa aas-aasay garabka ururka u qaabilsan Soomaaliya sanadkii 2015 kadib markii uu kasoo baxay Al-Shabaab. Maamulka Puntland ayaa dagaal kula jira labada kooxood oo saldhigyo ku leh buuraha gobolka Bari oo mudo sanado ay ay dagaalyahano ku tababarayeen, iyadoo la xakameeyay inay ku fidaan degaanno badan, sida ay saraakiisha amni ay sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here