KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo wareysi kooban siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay doorashada uu galayo 25-ka bishaan ee ka dhaceysa magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe oo maanta is diiwaangeliyay ayaa shaaca ka qaaday inuu aqbalayo natiijada doorashada, haddii looga guuleysto.
“Haddii la iga guuleysto waa aqbalayaa natiijada doorashada” ayuu yiri Murashax madaxweyne Axmed Madoobe.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta uu mar kale isa soo sharraxo ay tahay inuu dhammeystiro waxyaabaha qabyada ka ah maamulkiisa.
Halkan hoose ka daawo:-