MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle TV ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan doorashooyinka dalka oo haatan ay ka taagan tahay xiisad xooggan.
Cali Cosoble ayaa si weyn u boggaadiyay dadaallada socda ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah, wuxuuna sheegay in beelo badan ay hungoobi doonaan.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday diidmada maamullada Jubbaland iyo Puntland oo uu tilmaamay inay waayeen danahooda gaarka ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Doorasho qof iyo cod ah hadii la qabto beelo badan ayaa ceeboobaya, Puntland dadka ku nool waxaa ka badan Gobolka Hiiraan inta ku nool, Raxaweyn iyo Hawiye ayaa ugu badan Soomaali” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle.
Halkan hoose ka daawo Wareysiga:-