Daawo: Jawaari oo si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la hadlay warbaahinta ayaa war ka soo saaray dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, isla-markaana ay hoggaamineyso dowladda.

 

Jawaari ayaa ku baaqay in la taageero ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada culus ka wada gobollada dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay leedahay laba cadow oo ku kala sheegay shisheeye iyo cadow gudaha ah oo Soomaalida ka dhex shaqeynayo.

“Soomaaliya maanta waxa ay leedahay laba cadow oo kala ah cadow shisheeye oo noo tashtay, cadowga kalena waa kan gudaha, aadbaan uga xumahay in labada dhinac ee dagaalamaayo ay yihiin Soomaali” ayuu yiri Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here