Daawo: Jubbaland oo amniga degmada Luuq ku wareejisay ciidanka Itoobiya

0

LUUQ (SMN) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si toos ah amniga degmada Luuq ugu wareejisay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuna sugan gobolka Gedo.

 

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo haatan ku sugan degmada Luuq ayaa la kulmay saraakiisha ciidanka Itoobiya, isaga oo kala hadlay amniga degmada iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa lasoo wariyay inay isku ballaariyeen degmadaas, si ay uga hortagaan dagaal beeleed mar kale ka dhaca halkaasi.

Dhinaca kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Jubbaland ay guddi u xilsaareyso khasaaraha ka dhashay goobihii ganacsi ee lagu gubay dagaalkii ka dhacay Luuq, si loogu gurmado dadka ku hantid beelahay colaadaasi.

Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here