Daawo: Kulankii maanta ee Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan ay lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xubnaha golaha.

 

Kulanka maanta ayaa la filayay inuu golaha kala qayb-galo wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka Maxamed Cabdi Xayire (Maareeye) balse waxaa uu u baaqday kooram la’aan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in hadda kadib xildhibaannada maqan tallaabo laga qaadi doono.

“Xidhibaanada aanan imaan kulamada golaha qeyb ayaa laga jarayaa mushahaarkooda” ayuu yiri guddoomiye Abshirow.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here