Daawo: Laba wiil oo walaalo ahaa oo lagu dilay gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay laba wiil oo walaalo ahaa aano qabiil darteed loogu dilay gobolka Galgaduud.

 

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Oodan, waxaa labada wiil lagu kala magacaabi jiray Cabdinaasir Axmed Carab iyo Cabdkariin Axmed Carab, kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Cadaado oo haatan maydkooda la geeyay.

Sidoo kale waxaa la dhawaacay mid kamid ah hooyada dhashay wiilasha la dilay oo iyadana magaceeda lagu sheegay Maryan Cabdulle.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda dilka gaysatay ay goobta isaga baxsadeen, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka Galmudug.

Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here