Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrin xasaasi ah

0

MUQDISHO (SMN) -Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Khudbadii Jimacaha kaga hadlay dardargalinta dagaalka Al-Shabaab looga ciribtirayo deegaannada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka, kororka dhaqaalaha iyo hirgelintahirgelinta qorshaha Dimuquraadiyeynta iyo hanaanka doorashooyinka dalka.

 

“Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta waa mudnaanta koowaad ee dowladda, wuuna socon doonaa ilaa laga xoreynayo dalka oo dhan, Khawaarijta waxa ay ka shaqeynayaan waa inay suurad xumeeyaan magaalada Muqdisho” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay hanaanka doorasho ee dalka ayaa sheegay in ujeedka dowladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan..

“Dalka waxaa ka dhici doona doorasho qof iyo cod ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa wax dooranaya, taasi waa mabda’a, Soomaaliya ma xukumi doono qof aan shacabka dooran”.

Mar uu Madaxweynaha ka hadlayay dhaqaalaha dalka ayuu sheegay in ku dhawaad ​​100% uu kordhay, taasina ay cadeyn u tahay mashaariicda ka socota guud ahaan gobolada dalka.

“Dalkeenu waxa uu maanta joogaa meel ka wanaagsan halkii uu shalay taagnaa, mar walba markii ka dambeysii waa uu sii sodcay, waxayna maanta maraysa in maalgeshi loo yimaado Soomaaliya”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhawaan dalka laga hirgelin doono mashaariic waaweyn; taasoo ku timid kalsoonida caalamku ku qabo haykalka maaliyadeed ee dawladda.

Halkan hoose ka daawo: 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here