Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku dhow Villa Somalia ayaa innoo xaqiijiyay safarka madaxweynaha ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu u tegi doono dagaalka Al-Shabaab.

Qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan laga dareemayaa magaaladaasi, ayada oo sidoo kale la geeyay ciidamo dheeraad ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha uu saldhigan doono Dhuusamareeb, isaga oo ka hagi doono wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here