MUQDISHO (SMNN) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegayo Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo 4 sano soo hoggaaminayey dalka.
Munaasabadda xil wareejinta oo ay ka qayb-glayaan madax kala duwan ayaa saacadaha soo socda ka dhaceyso xarunta Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kadib si rasmi ah u guda-galayo howlaha shaqo ee horyaalla dowladdiisa cusub waxaana ugu horreeya magacaabida ra’iisul wasaare cusub.
Afhayeenka Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey munaasabadda xil wareejinta iyo diyaar garowga haatan socda.