Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul ugu jawaabay Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

 

Madaxweynaha ayaa khudbad xasaasi ah u jeediyay xildhibaannada labada gole, taas oo uu uga hadlay ammaanka\, doorashooyinka, dastuurka iyo farogelinta Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya isaga oo caddeeyey in Itoobiya adduunka ka tuugayso Soomaaliya in lala heshiisiiyo.

“Itoobiya waligeed inta si derisnimo ah noogu timid nagalama hadal arrimaha Badda, iyadaa calamka wareegeyso oo leh Soomaaliya hanala heshiisiiyo” ayuu yiri madaxweynuhu.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa beeniyay wararka ayaa sheegaya in dowladdiisa ay wada-hadal la galeyso Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in aysan wax qorshe ah oo ku aadan wada-hadal lala galo kooxdaasi.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay dagaal beeleedyada kusoo noqnoqday dalka iyadoo Madacweynuhu xusay in ay ka mid yihiin qorsheyaasha ay soo maleegeen Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here