Daawo: Maleeshiyaad hubeysan oo dil ka geystay gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay mar kale dil ka gaysteen deegaan hoostaga gobolkaasi.

 

Maleeshiyaadka ayaa weeraray tuulo u dhow deegaanka Cadakibr, waxayna ay halkaas ku dileen laba nin oo uu mid kami ah ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaanay deegaanka.

Labada nin ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Wehliye Guure iyo Cabdinaasir Maxamuud Cilmi, waxaana goobta isaga baxsaday maleeshiyaadkii dilay.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xiisad ka dhalatay dilka labada marxuum ay saaka ka taagan tahay aagga deegaanka Cadakibir, iyada oo laga cabsi inuu dagaal qarxo.

Habeen hore ayay ahayd markii sidaan oo kale aano qabiil darteed gobolka Galgaduud loogu dilay laba wiil oo walaalo ahaa oo deegaan ahaan kasoo jeeday magaalada Cadaado.

Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here