Maxkamadda gobolka Banaadir oo dambi ku waysay Koonfi, Cabdul iyo Saabey

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhowaaqday xukunka kiiska dacwadii musuq maasuqa ee loo heystay mas’uuliyiin ay ku jiraan agaasimayashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga iy qaar kamid Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka.

 

Guddoomiyaha maxkamadda Salaax Dabaan oo ku dhawaaqay go’aankan ayaa shaaca ka qaaday in wax dambe lagu waayay agaasimeyaashii hore ee hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo haatan maqane ah.

Sidoo kale waxaa isna dambi lagu waayay Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo ahaa Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga oo isna maqane ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee gobolka, Saalax Dabbaan

Dhinaca kale, maxkamadda gobolka ayaa xukuno xabsi ah oo u dhexeeya 2 sano illaa 4 sano ku ridday lix kamid ah saraakiisha la horgeeyay, halka labo kalena lagu waayay wax dambi ah, waxayna ka kala tirsan yihiin hay’adda socdaalka, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo xafiiska hantidhowraha guud ee qaranka.

1-Maxamed Ibraahim Axmed ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 4 sano oo xarig ah.

2-Cabdiraxmaan Maxamed Cali Caadle  ayaa isna lagu xukumay 4 sano oo xarig ah iyo inuuna qaban karin xafiis dowladeed si joogto ah.

3-Abuukar Xasan Aadan ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 4 sano oo xarig ah.

4-Maxamed Xuseen Nageeye ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 2 sano oo xarig ah.

5-Cabdullaahi Daahir Wehliye oo maqane ah ayaa lagu xukumay 3 sano oo xarig ah iyo inuuna qaban karin xafiis dowladeed si joogto ah.

6-Cismaan Xasan Cosoble ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna maxkamadda ka bari yeeshay eedaha loo soo jeediyay.

7-Cabdalle Maxamed Axmed ayaa isna lagu waayay wax dambi ah, waxayna maxkamaddu ka bari yeeshay eedaha loo soo jeediyay.

8-Cabdikaafi Xasan Maxamed ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna ka bari yeeshay eedaha loo soo jeediyay.

9-Jacfar Maxamed Axmed  ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna ka bari yeeshay eedaha loo soo jeediyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here