Daawo: Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macalin

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Sare ee dalka ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud oo horay u gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis.

 

Maxkamadda ayaa diiday Rafcaanka ay kasoo qaateen qareenadda eedeysane Sayid Cali Macali Daa’uud xukunkii Dilka toogashada ahaa ee Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu soo xukuntay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf oo ku dhowaaqay go’aanka ayaa sheegay in maxkamaddu u cadaatay in Sayid Cali uu gaystay dilka, sidaas darteedna ay maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah.

Halkan hoose ka daawo go’aanka Maxkamadda Sare:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here