Daawo: Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay xiisadda ka taagan dhulka dab-damiska

0

MUQDISHO (SMN) – Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xiisadda weli ka taagan dhulka dab-damiska ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay dowladda Soomaaliya shacabka ku amartay inay ka guuraan.

 

Sheekha oo wareysi gaar ah siiyay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in laga haboon yahay in xabad loo adeegsado shacabka dagan halkaas, si xoog looga raro xaafadda dab-damiska.

Sheekh Cali Wajiis ayaa ugu baaqay dowladda inay dhul kale u iibiso qoysaska degan dab-damiska, sidoo kalena ay siiso lacag ay ku guuraan, si ay u banneeyaan dhulkaasi.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dhammaan dadka shacabka ah ee dagan dhulalka danta guud, wuxuuna ugu baaqay in aysan deegaameysan, maadaama ay dowladdu u baahan tahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dagan tahay xaaladda dab-damiska oo ay muddo ka taagnayd xiisad u dhexeysa booliska iyo shacabka, waxaana arrintan soo farageliyay madaxweynaha Galmudug oo ku guuleystay in dib loo dhigo arrinta dhulka dab-damiska ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here