Daawo: Villa Soomaaliya oo shirweyne isugu yeertay madaxdii hore ee dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo warramayaa inuu casuumaad u diray dhammaan madaxdii hore ee dalka soo martay, si ay uga qayb-galaan shirweyne guud oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya.

 

Madaxweynayaashii hore iyo ra’iisul wasaareyaashii hore ee dalka ayaa shir isugu imaanayo 11-ka illaa 12-ka bishaan, kaas oo ka dhacaya caasimadda, sida ay ogaatay SHABELLE.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan oo ay kolkii hore isku arki lahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta diidan wax ka beddalka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka ayaa hadda la ballaariyay ayadoo lagu marti qaaday inta badan madaxdii hore ee wadanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxda qaarkood ay shirka uga qayb-geli doonaan aaladda fogaan aragga, si ay aragtiooda ugu biiriyaan qodobada laga hadlayo.

Puntland ayaa sidoo kale la filayaa inay shirkan soo fariisato, isla-markaana ay miiska soo saarto tabashadeeda, maadaama ay horay u diiday heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here