Daawo: Waa sidee xaaladda guud ee magaalada Beledweyne?

0

BELEDWEYNE (SMN) -Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa saakay degan, kadib markii xalay fiidkii ay laba qarax ay ka dhaceen, islamarkaana ay ku dhinteen dad badan oo ay ka mid aheyd xildhibaan Aamina Maxamed oo ka tirsaneyd xubnaha murashaxiinta ee halkaasi doorashada u joogay.

Sidoo kale waxaa qaraxyadaas ku dhintay siyaasiga Dhuxul Cali oo mar soo ahaa xildhibaan Baarlamanka Soomaaliya ka tirsana.

Qaraxyadan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay magaalada, waxaana sidoo kale ka dhashay burbur lixaad leh, iyadoo lasoo warinayo inay kordheen tirada dhimashada & dhaawaca.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here