MUQDISHO (SMN) – Waxaa weli sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland oo kasii daray kadib dib u doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe.
Labada dhinac ayaa sii wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo laga dareemay deegaannada Jubbaland, kadib markii ay ciidamo gaysay dowladda federaalka Soomaaliya.
Axmed Madoobe oo shalay ka hadlay masjid ku yaalla Kismaayo, ayaa muddo 15 cisho ah u qabtay ciidamada la geeyay Raaskambooni, wuxuuna ku goodiyay inuu tallaabo qaadi doono, isaga oo intaasi ku daray in wixii ka dhasha uu qaadi doono madaxweyne Xasan.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Bare ayaa haatan isna ku sugan Nairobi, isaga oo Kenya kala hadlaya xiisadda xukuumaddiisa kala dhexeyso Jubbaland.
Waxaa kale oo jirta in dowladda federaalka ay kala fur-furis ciidan ku hayso Jubbaland, waxaana hadda Muqdisho la keenay ciidamo ka tirsanaa maamulkaas oo isa soo dhiibay.
Halkan hoose ka daawo Wararkii ugu dambeeyay:-