Daawo: Xildhibaan ka horyimid go’aankii kasoo baxay guddoonka sare ee BF

0

MUQDISHO (SMN) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta la hadlay wariyeyaasha ayaa si adag ugu jawaabay guddoonka baarlamaanka, iyaga oo ka horyimid amarkii la dul-dhigay warbaahinta oo lagu mamnuucay inay muuqaalo ku duubaan xarunta Villa Hargeysa.

 

Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo kamid ah xunnaha hadlay ayaa ganafka ku dhufatay hadalka kasoo yeeray guddoonka Golaha, waxayna tilmaamtay in aan hadal loo diidi karin.

“Annaga bur iyo bariis ma gadno, meeshan hadal ayaan ujoognaa, cid naga celin kartana maleh”. ayay ku jawaabtay xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid ayaa arrintan ku tilmaamay mid lagu caburinayo xildhibaanada iyo sidoo kale bahda warbaahinta wuxuuna xusay in aan la aqbali karin.

‘Suurta gal ma’ahan in Xildhibaanada loo diido in ay la hadlaan warbaahinta oo ay cabshaha shacabka gudbiyaan, midaasi waa caburin mana yeeleyno” ayuu yiri Ciid.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here