Dab khasaare nafeed gaystay oo ka kacay magaalada Hargeysa

0

HARGEYSA (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in xalay dab khasaare nafeed gaystay uu ka kacay guri ku yaalla magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi.

 

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka dab damisla Somaliland ayaa lagu sheegay inuu dabkaas ku geeriyooday wiil yar oo saddex sano jir ah, sidoo kalena uu ku dhaawacmay wiil kale oo 5 sano jir ah, kuwaas oo walaalo ah.

Sidoo kalen ciidamada dab damiska ayaa ugu dambeyn ku guuleystay daminta dabkaas oo si gaar ah uga kacay xaafadda magaalo Jimcaale oo ka tirsan caasimada Hargeysa.

Halkan hoose ka aqriso warsxaafadeedka:-

Ciidamada Dabdemiska ayaa si degdega goobtaas u gaadhay gurigaas kana koobnaa lix makhsin, waxaana ciidamadu bilowgii damiyeen dabka, intaa kadib Ciidamada ayaa Maydka Wiilka yar ka soo saaray Guriga iyo wiilka kale ee dhaawacmay oo ciidamadu gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Wiilka yar ee dhintay ayaa ahaa saddex jir magaciisuna ahaa Sacad Jimcaale Cabdi iyo Subeer Jimcaale Cabdi oo dhaawacmay da’adiisuna ahayd shan jir.

Ciidamada Booliska gaar ahaan Dambi baadhista ayaa la wareegay baadhista kiiskaas iyo Maydka Wiilka yar ba.

Ugu dambayn Ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada in aanan caruurta guryaha dusha lagaga xidhin.

Sidoo kale dadweynuhu yaanay ku soo buuqin goobaha dabku ka socdo, hakana feejignaadaan halista dabka xilliga xagaaga.

Muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka ee 990 shirkadaha Telesom/ Somtel 24 ka saacadoodba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here