BUULO-BURDE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay uu gobolkaas ka dhacay qarax miino oo haleelay mooto ay la socdeen dad shacab ah, xilli ay marayeen duleedka degmada Buulo-Burde.
Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Jicibow oo dhaca jinka wabiga, waxaana ku dhintay dad isku qoys ah oo sidoo kale ahaa beeraley.
Duqa degmada Buulo-burde Saadaam Cabdi Iidow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 8 qof oo isku qoys ahaa.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadka geeriyooday ay kala halaayeen todobo rag ah iyo hal dumar ah, kuwaas oo ka yimid beertooda, balse la qarxiyay soo laabashadooda.
Saadaam Cabdi Idow ayaa weerarkan khasaaraha dhaliyay ku eedeeyay Al-Shabaab, wuxuuna ku tilmaamay aargoosi, kadib markii lagu jabiyay howlgallada ka socda Hiiraan.
Si kastaba, xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo baaritaano ka wada halkaasi.