Dad isku qoys ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday hoobiye ku dhacay gurigooda

0

BARIIRI (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaal saacadihii lasoo dhaafay lagu gaaracay tuulada Balow oo hoostagta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib dagaal dhex-maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

 

Hoobiyeyaashan oo ku dhacay xaafado ay daganaayeen dadka shacab ah ayaa waxaa waxayeelo ay kasoo gaartay illaa 13 qof oo lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho, balse waxaa isbitaalka ku geeriyooday laba kamid ah dhaawacyada la keenay.

Aabe Ibraahim Siidow oo kamid ah qoys dhimasho iyo dhaawac ku noqday hoobiyeyaashan ayaa sheegay inay ka dhinteen 4 carruur ah, sidoo kalena ay dhaawac yihiin hooyadiis, aabihiis iyo xaaskiisa.

‘Hoobiye nalagu soo tuurey ayaa na dhameeyay, Aabaheey, Hooyadey iyo xaaskeyga dhaawac halis ah ayaa soo gaarey, Caruurteyda afar ka mid ah waa geeryoodeen halna waa dhaawac” ayuu yiri Aabe Ibraahim Siidow.

Halkan hoose ka daawo warbixinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here